Terms And Conditions

Last Update: 22-Aug-26

Ku soo dhawoow. Somalisoft Academy.

Shuruudahan iyo Xeerarkan waxay qeexayaan sida aad u isticmaali karto website-ka iyo
koorsooyinka ku jira Somalisoft Academy. Markaad samaysato akoon, ama
iska diiwaangeliso koorso, waxaad caddeynaysaa inaad akhrisay, fahamtay,
isla markaana oggolaatay Shuruudahan.
Haddii aadan ku qanacsaneyn Shuruudahan, fadlan ha isticmaalin website-ka ama adeegyada Somalisoft Academy.

1. About Somalisoft Academy

Somalisoft academy waa madal waxbarasho online ah taasoo loogu talagalay ineey wax ka bartaan cidkasta oo dooneysa ineey horumariso xirfadeeda, gaar ahaan dadka ku hadla afsoomaaliga meel walba eey joogaan.

2. User Accounts

Si aad u qaadato ama aad isaga diiwaangeliso koorsooyinka somalisoft academy, waxaad u baahantahay inaad account sameysato.

Marka aad account-ka sameysaneyso waxaa qasab ah inaad raacdo qodobadaan soo socda.
A. inaad bixiso xog sax ah oo dhameystiran.
B. inaad ilaashato username iyo password-ka account kaaga.
C. in aadan la wadaagin account kaaga cidkale.
D. inaad masuul ka noqoto dhamaan wax walba oo ka yimaada account kaaga.
E. inaad nalasoo xariirto hadii aad ogaato ama aad ka shakiso in accoun kaaga cidkale kula isticmaaleyso.

Somalisoft Academy waxay xaq uleedahay ineey xanibto ama eey xirto account kaaga hadii loo isticmaalo si ka hor imaaneyso shuruudaha aan kor kusoo sheegnay.

3. Course Enrollment

Markaad iska diiwaangeliso koorso, waxaad helaysaa xuquuq shaqsiyeed oo aad ku isticmaasho koorsadaas iyadoo loo eegayo shuruudaha Somalisoft Academy.

Koorsooyinka iyo waxyaabaha la socda waxaa loogu talagalay isticmaalkaaga waxbarasho ee shaqsiga ah.

Lama oggola inaad:

A. la wadaagto account kaaga qof kale.
B. nuqul ka samayso casharrada si aad ugu qaybiso dad kale.
C. iibiso ama aad siyaabo kale u isticmaasho.
D. ku daabacdo casharada koorso meelo kale adigoon fasax u haysan.

4. Payments

Koorsooyinka ku jira somalisoft academy qaarkood waa free.

Haddii aad iibsaneyso koorso lacag ah waxaad bixineysaa qiimaha koorsadaas ku qoran.
Qiimaha koorsooyin-ka waa uu isbedeli karaa marwalba.
isbedel kasta oo qiimaha koorsooyin-ka ah ma saameyn doono koorso aad horay u iibsatay.

5. Refunds

Haddii aad u baahantahay inaad wax badan ka ogaato habka lacag celinta ama Refund ee
Somalisoft Academy Fadlan halkaan ka aqri.

6. Intellectual Property

Dhammaan waxyaabaha ku jira website-ka, waxaa iska leh Somalisoft Academy.

Waxyaabahaas waxaa ka mid noqon kara:

A. casharada
B. muuqaalada
C. qoraallada
D. sawirada
E. course materials
F. logo-da
G. magaca somalisoft academy
H. naqshada iyo wax walba oo ku jira website-ka somalisoft academy.

Lama oggola inaad waxyaabahan nuqul ka samayso, iibiso, faafiso, wax ka beddesho, ama dib ugu daabacdo website ama platform kale adigoon haysan oggolaansho rasmi ah.

7. Acceptable Use

Markaad isticmaalayso Somalisoft Academy, waa inaadan:

A. Isku dayin inaad si sharci-darro ah u gasho website-ka ama account qof kale uu leeyahay.
B. Faragelin ku samayn shaqada website-ka.
C. U isticmaalin website-ka ujeeddo sharci-darro ah.
D. Ku xadgudbin xuquuqda qofkasta oo isticmaala website-ka.

Haddii aad jebiso xeerarkan, Somalisoft Academy waxay xaq u leedahay inay xannibto ama xirto akoonkaaga.

8. Educational Content

Somalisoft academy waxuu dadaal ku bixiyaa inuu soo gudbiyo casharo tayo leh, lasoo hubiyay isla markaana anfacaayo cidkasta oo u baahan ineey qaadato casharadaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma dammaanad qaadi karno in dhammaan macluumaadka uu mar walba noqon doono mid aan wax khalad ah lahayn ama uu qof kasta siin doono natiijo isku mid ah.

Natiijada aad ka heleyso casharada waxay ku xirnaan kartaa dadaalkaaga, waqtiga aad geliso waxbarashada, iyo sida aad u isticmaasho xirfadaha aad baratay.

9. Website Availability

Waxaan ku dadaalaynaa inaan website-ka iyo adeegyada Somalisoft Academy si joogto ah uga shaqaysiino.

Mararka qaarkood website-ka waxaa macquul ah in uu si ku-meel-gaar ah hawada uga maqnaado ama uu shaqayn waayo sababo ay ka mid yihiin:

A. Dayactir.
B. Cilad farsamo.
C. Server ama hosting problem.
D. Internet outage ama cilad dhanka internet-ka ah.
E. Arrimo amni.
F. Xaalado ka baxsan awoodeenaa.

Waxaan isku dayi doonnaa inaan adeega dib ugusoo celino hawada
sida ugu macquulsan uguna dhaqsaha badan.

10. Privacy

Badqabka iyo ilaalinta xogta ardayda iyo dhamaan qofkasta oo isticmaala somalisoft academy waa inoo muhiim.

Isticmaalka website-ka Somalisoft Academy wuxuu sidoo kale ku xiran yahay Privacy Policy-geena, kaas oo sharxaya sida aan u ururinno, u isticmaalno, una ilaalinno xogta macaamiisheena.

Waxaan kugula talineynaa inaad aqriso Privacy Policy-ga ka hor intaadan isticmaalin adeegyada website-ka.

11. Changes to These Terms

Somalisoft Academy waxay xaq u leedahay inay wax ka beddesho ama cusboonaysiiso Shuruucdan marka loo baahdo.

Marka wax laga beddelo, nooca cusub waxaa lagu daabici doonaa boggan, waxaana la cusboonaysiin doonaa taariikhda ku qoran qaybta kore.

Waxaan kugula talineynaa inaad mararka qaarkood dib u eegto boggan si aad ula socoto isbeddellada dhacay.

12. Termination

Somalisoft Academy waxay xaq u leedahay inay xannibto ama joojiso gelitaanka akoonkaaga, haddii aad jebiso Shuruudahan ama aad si khaldan u isticmaasho website-ka.

Haddii account la xiro sababo la xiriira jebinta shuruucda, waxaa macquul ah in gabi ahaanba la tir tiro account kiisa iyo waxa ku jiray intaba.

13. Contact Us

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan Shuruucdan ama adeegyada Somalisoft Academy,
waxaad nagala soo xiriiri kartaa:

Email: support@somalisoft.com
WhatsApp-ka: +252 628244637

Waxaan ku dadaali doonnaa inaan ka jawaabno su'aalahaaga iyo codsiyadaada sida ugu dhakhsaha badan.