1. Refund Period
Waxaad codsan kartaa lacag-celin 7 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta aad koorsada iibsatay.
Marka ay 7-da maalmood dhammaadaan, codsiga lacag-celinta waxaa loo tixgelin doonaa inuu dhacay waqtigiisii, waxaana laga yaabaa inaanan awoodin inaan kuu soo celinno lacagta.
2. Refund Eligibility
Si aad u hesho refund waa inaad buuxisaa dhamaan shuruudahan.
A. Codsiga refund-ka waa in lagu soo gudbiyaa 7 maalmood gudahood.
B. Koorsada waa in aan si weyn loo isticmaalin.
C. Waa inaadan dhamaystirin koorsada.
D. Waa inaadan si sharci-darro ah u soo dejisan ama u qaybin waxyaabaha koorsada.
E. Akoonkaaga waa inuu weli waafaqsan yahay Shuruudaha iyo Xeerarka Somalisoft Academy.
Somalisoft Academy waxay xaq u leedahay inay diido refund haddii ay dhacdo in koorsada si weyn loo isticmaalay ka hor inta aan codsiga refund-ka la samayn.
3. How to Request a Refund
Si aad u codsato lacag-celin, nala soo xiriir adigoo isticmaalaya email-ka:
Email: support@somalisoft.com
Fadlan Fariinta waa ineey sidaan u qornaataa:
A. Magacaaga oo sadexan.
B. Email-ka aad ku isticmaasho Somalisoft Academy.
C. Magaca koorsada.
D. Taariiqda aad iibsatay.
E. Sababta aad u codsaneyso refund.
Waxaan dib u eegi doonaa codsigaaga waxaana kuu soo sheegi doonaa go'aanka.
4. Refund Processing
Haddii codsigaaga la oggolaado, waxaan bilaabi doonaa habka lacag-celinta
kadib marka codsiga la ansixiyo.
Lacagta waxaa lagu celin doonaa habka lacag-bixinta aad markii hore isticmaashay,
haddii ay suurtagal tahay.
Waqtiga ay lacagtu kuugu soo noqonayso wuxuu ku xirnaan karaa adeegga lacag-bixinta ama bangiga aad isticmaashay.
Somalisoft Academy si buuxda uma xakameyn karto waqtiga eey qaadaneyso lacag celinta.
5. Technical Issues
Haddii aad la kulanto cilad farsamo oo kaa hor istaagaysa inaad koorsada isticmaasho, fadlan marka hore nala soo xiriir.
Waxaan isku dayeynaa inaan xalino ciladda, haddii la xalin waayana waxaan kuu sameeneynaa refund.
Contact Us
Haddii aad qabto su'aal ku saabsan Refund Policy-ga ama aad rabto inaad codsato lacag-celin,
nagala soo xiriir:
Email: support@somalisoft.com