Privacy Policy

Last Update: 29-August-26

Amaanka iyo ilaalinta xogtaada gaarka ah waa arrin muhiim noo ah. Privacy policy-gan waxay sharxaysaa xogta aan ururin karno marka aad booqato ama aad isticmaasho website-ka somalisoft Academy.
Markaad isticmaasho website-kan, waxaad oggolaanaysaa Privacy Policy-ga U daggan Somalisoft Academy.

1. Information We Collect

Waxaan ururin karnaa xogta aad si toos ah noogu soo gudbiso marka aad isticmaasho adeegyada website-ka.

Xogtan waxaa kamid noqon kara:

Account Information:
Haddii aad samaysato akoon, waxaa laga yaabaa inaan ururinno:
A. Magacaaga
B. Email address-kaaga
C. Username-kaaga
D. Password-kaaga
E. Xogta kale ee aad ku darto profile-kaaga

Contact Information:
Markaad nala soo xiriirto ama aad isticmaasho contact form-ka, waxaa laga yaabaa inaan helno:
A. Magacaaga
B. Email address-kaaga
C. Mowduuca fariinta
D. fariinta aad noosoo dirtay

Course Information:
Haddii aad iska diiwaangeliso koorso, waxaan kaydin karnaa xog la xiriirta waxbarashadaada, sida:
A. Koorsooyinka aad iska diiwaangelisay
B. Course Progress-kaaga
C. Koorsooyin-ka aad dhameysay
D. Quizzes-ka aad sameysay, haddii eey jiraan.

2. Information Collected Automatically

Markaad booqato website-ka, qaar ka mid ah xogta farsamada waxaa laga yaabaa in si otomaatig ah loo ururiyo.

Waxaa kamid noqon kara:
A. IP address
B. Nooca browser-ka
C. Nooca qalabka aad isticmaalayso
D. Operating system
E. Bogagga aad booqatay
F. Waqtiga iyo taariikhda booqashada
G. Macluumaad ku saabsan sida aad website-ka u isticmaashay

Xogtan waxaa loo isticmaali karaa in lagu fahmo sida website-ku u shaqeeyo, loo hagaajiyo waxqabadkiisa, iyo in lagu ilaaliyo amniga website-ka.

3. How We Protect Your Information

Waxaan qaadnaa tallaabooyin macquul ah, si aan u ilaalinno xogta ardayda iyo dhamaan isticmaaleyaasha website-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro nidaam internet ama hab kaydin xogeed oo 100% ammaan ah. Sidaas darteed, inkastoo aan ku dadaaleyno inaan ilaalino xogtaada, ma damaanad qaadi karno amni buuxa oo aan lahayn wax khatar ah.

4. Cookies

Website-ka Somalisoft Academy wuxuu isticmaali karaa cookies iyo teknoolojiyooyin la mid ah.

Cookies waa faylal yaryar oo lagu kaydin karo qalabkaaga marka aad booqato website.

Qaar ka mid ah cookies-ka waxaa laga yaabaa inay ka yimaadaan adeegyo dhinac saddexaad ah oo website-ku isticmaalo.

Waxaad browser-kaaga ka beddeli kartaa settings-ka cookies-ka, laakiin xirista cookies-ka qaarkood waxay keeni kartaa in qayb ka mid ah website-ku si fiican u shaqayn waayo.

5. Children's Privacy

Somalisoft Academy looma dhisin in si gaar ah loogu ururiyo xogta carruurta.

Haddii aad tahay waalid ama masuul oo aad aaminsan tahay in ilmo uu nala wadaagay xog gaar ah iyadoo aan oggolaansho habboon jirin, fadlan nala soo xiriir si aan arrinta u eegno.

6. Changes to This Privacy Policy

Somalisoft Academy waxay cusboonaysiin kartaa Siyaasaddan Asturnaanta marka adeegyada website-ka ay is beddelaan ama marka loo baahdo.

Marka wax laga beddelo, version-ka cusub waxaa lagu daabici doonaa boggan, waxaana la cusboonaysiin doonaa taariikhda ku qoran qaybta kore.

Waxaan kugula talineynaa inaad mararka qaarkood dib u eegto boggan.

7. Contact Us

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan Privacy Policy-ga, xogtaada, ama sida aan u isticmaalno xogtaada, fadlan nala soo xiriir.

Email: support@somalisoft.com

Waxaan ku dadaali doonaa inaan ka jawaabno codsigaaga sida ugu macquulsan.